Wax ku saabsan boggan
Website-ka Lerni [www.lerni.net.au] waa xidhmo macluumaad oo luqado-badan oo Intarneedka ah oo loogu talagalay bixiyeyaasha ACE (Waxbarashada Bulshada ee Dadka Waaweyn) oo la shaqaynaya bulshooyinka soo kordhay ee Australia.
Website-ka waxaa la bilaabay intii lagu jirey Toddobaadka Wax-bartaha Dadka Waaweyn ee Sabteembar 2010.
Lerni waa eray Esperanto ah macnahiisu yahay baro.
Website-ku wuxuu bixiyaa:
- Macluumaadka horumarinaya muhiimadda waxbarashada dadka waaweyn ayadoo la marayo HTML, dokumantiyo fiidiyow ah oo la soo-degsan karo (downloadable).
- Luqadaha waxaa ka mid ah Ingiriisiga, iyo luqadaha muhiimka ah ee bulshooyinka soo kordhay oo ka soo kala-jeeda Africa, Central Asia iyo South East Asia.
- Taxane buuggagta-shaqada tababarka kombiyuutarka oo horudhac ah ayaa laga heli doonaa intarneedka ayadoo ah macluumaadka tababarka ee loogu talagalay bixiyeyaasha ACE.
- Liisaska macluumaadka dowlad-goboleed ilaa dowlad-goboleed, oo ay ku jiraan xiriirada buuggagga tusaha ah, talagalay bixiyeyaasha ACE ee muhiimka ah iyo haya’daha taageerada.
Mashruucan waxaa maalgeliyey Commonwealth, ayadoo u maraysa Wasaaradda Department of Education, Employment and Workplace Relations, goobtana waxaa horumariya oo maamula Vicnet – State Library of Victoria. Taageero qiimo leh ee mashruucan waxaa bixiyey AMES.