Australian Capital Territoy

Qaybta PDF ee boggan (10kb)

ACT

Koorso ama bixiyeyaasha koorsooyinka

Adeegga Bulshada ee Belconnen

Waxay bixisaa adeegyo ay ka mid yihiin barnaamijyada waxabarashada bulshada oo la siiyo qoysaska iyo shaqsiyaadka.

Kooxaha Haweenka ee Brindabella

Waxay degan yihiin Xarunta Chisholm Community Centre, kooxdaani waxay kulano macluumaad-siin ah siiyaan haweenka haysta carruurta dhalin-yarada ah.

Xarunta Bulshada ee Calwell

Waxay siisaa adeegyo ay ka mid yihiin koorsooyin iyo seminaaro wax looga qabto baahiyaha bulshada degaanka.

CIT Solutions

Qaybta tababarka ganacsiga ah ee Canberra Institute of Technology waxay bixisaa koorsooyin gaagaaban oo fara badan oo kala duwan.

Xarunta Bulshada ee Downer

Waxay kulmisaa nashaadyada iyo kooxaha xoogga saaraya luqadaha, sawirada iyo farshaxanka, muusigga iyo jilidda.

Waxbarashada Lake Nite

Waxay bixisaa koorsooyinka galabtii ee sawirada iyo farashaxanka, ganacsiga, kombiyuutarka, caafimaadka iyo luqadaha ka jira Lake Ginninderra College oo ku taal Emu Bank.

Kooxaha Haweenka ee Majura

Waxay siisaa fursadaha haweenka Canberra oo guriga ku haysta carruurta yaryar si looga caawiyo inay ka qaybgalaan nashaadyo xiiso iyo hal-abuur leh.

Xarunta Farashaxanka ee Tuggeranong

Waxay maamushaa fasallada farshaxanka, naqshadaynta, jilidda, muusigga iyo sheeko xariirka dijitaalka ah.

Tuggeranong LINK

Waxaqy ka shaqaysaa shabakadda shan guryaha bulshada oo ku yaal degaankaTuggeranong Valley.

Jiimka Weston Brain

Waxay bixisaa koorsooyinka galabtii ee Woden campus ee Canberra College.

Xogaha kale ee waxbarashada bulshada

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tababarka ee ACT

Waa macluumaad ku saabsan taageerada Xukuumadda ACT ee waxbarashada dadka waaweyn iyo bulshada.

Ururka Bixiyeyaasha ee Adeegyada Tababarka

Urur xubnood ka wakiil ah bixiyeyaasha tababarka gaarka ah iyo kuwa dadweynaha ee ka jira Canberra iyo gobollada ku wareegsan.

Xaruumaha Macluumaadka Soo-galootiga

Adeegyada dejinta ee Soo-galootiga iyo Qaxootiga ee ACT