Hel koorso
Qaybta PDF ee boggan (10kb)
Hel koorso ama bixiyaha koorsada
Eeg buugga-tusaha iyo bixiyeyaasha ka jira dowlad-goboleed kasta.
- Australian Capital Territory
- New South Wales
- Northern Territory
- Queensland
- South Australia
- Tasmania
- Victoria
- Western Australia
Xiriirada Qaraneed (National links)
Noocyada ugu waaweyn bixiyeyaasha waxbarashada bulshada hoos ayaa lagu sheegay, ayadoo ay la jiraan haya’daha ugu sarreeya qaranka.
Kuleejooyinka bulshada
Kuleejooyinka bulshada waa bixiyeyaasha ugu waaweyn ee waxbarashada bulshada, gaar ahaan New South Wales, Victoria iyo ACT. Haya’ddooda ugu sarraysa waa Community Colleges Australia.
Neighbourhood houses-ka iyo xaruumaha waxbarashada bulshada
Haya’dahan bulshada degaanku wado waxay bixiyaan nashaadyo bulsho, waxbarasho iyo kuwo madadaalo oo leh beya’d soo dhaweyn iyo taageero leh. Haya’dda Australian Neighbourhood Houses and Centres Association waxay wakiil ka tahay 1000 haya’dood oo qaran.
http://www.anhlc.asn.au/about-anhca
TAFE
Machadyada Institutes of Technical and Further Education (TAFE) waxay bixiyaan tababarka mihnadeed ee l;a qoonsan yahay (oo lagu qaato shahaadooyin rasmiya) iyo sidoo kale koorsooyin gaagaaban oo fara badan. Xiriirka buugagga tusaha ee TAFE-ka waxaa bixiya dowlad-goboleed kasta.
Koorsooyinka Aqris/qoraalka iyo xisaabta
Haya’daha dowlad-goboleedyada ee aqris’qoraalka iyo xisaabta ee dadka waaweyn waxay bixiyaan macluumaadka ku saabsan koorsooyinka ka jira dowlad-goboleed kasta. Haya’dda ugu sarraysa ee qaraneed waa Australian Council for Adult Literacy.
Maktabadaha
Maktabadaha dadweynaha waxay bixiyaan nashaadyada waxbarasho oo ballaaran oo la siiyo bulshooyinka degaanka. The Australian Libraries Gateway waxay kuu ogolaanaysaa inaad maktabad ka baarto degaankaaga.
http://www.nla.gov.au/apps/libraries?action=LibSearch
Xaruumaha Macluumaadka Soo-galootiga (Migrant resource centres)
Xaruumaha Macluumaadka Soo-galootiga waxay bixiyaan adeegyo taageero oo la siiyo soo-galootiga iyo qaxootiga, oo ay ku jiraan luqadda Ingiriisiga iyo koorsooyin kale. Haya’dda dalladda u ah haya’dahan la shaqeeya qaxootiga iyo magangalyo doonka waa Refugee Council of Australia.
http://www.refugeecouncil.org.au
Jaamacadaha Da’da Saddexaad (U3A)
U3A waa dhaqdhaqaaq caalami taas oo dhiirigelisa dadka ka weyn 50 sano kuwaas oo aan hayn shaqo waqti-buuxa ah inay ka qayb qaataan nashaadyo nololeed waxbarasho. Website-ka waxaa ku jira tusaha kooxaha U3A ee degaanka.
Waxbarashada Dadka waaweyn Australia
Adult Learning Australia (ALA) waa haya’dda qaran ee ugu sarraysa qaybaha waxbarashada dadka waaweyn.
Koorsooyinka Australia
Boggan ganacsi wuxuu liis-gareeyaa TAFE-ka iyo jaamacadaha Australia oo dhan wuxuu bixiyaa tusaha in ka badan 10,000 oo koorsooyin.